XOG URURIN XAQIIQ KU SALAYSAN OO DHASHAY SAADAASHAN IFTIIMINAYSA (XISBIGA KULMIYE SAAMIGA COD EE UU KA HELI KARO GOBOLKA AQOONTA SOMALILAND EE AWDAL ” ;- Qalinkii Guuled Casarjoog

Filed under: Maqaalo |

GFHargaysa(SP):-Anagoo ka Tixraacayna Qodobadan soo Socda saadaasha Waa Sidan Soo socota…….

1. Xogtan Saadaaleed Waxay salka ku Kaysaa Xogaha Rasmiga ah Ee Saga soo Gaadhaya Gobolka Aqoonta Ee Awdal

2. Rabitaanka Bulshada Gobolka Aqoonta Ee Awdal Oo ku qotoma Hab dhaqankooda wanaagsan iyo garashada waxa Dantu ugu jirto iyo maaweelada

3. Taageerada ay u hayaan horumarka guud ahaan dalka iyo gaar ahaan Gobolka uu gaadhsiiyey intii uu talada dalka hayey Xisbul xaakimka Kulmiye oo ay ugu Wayned wadada isku xidha kalabaydh ilaa Boorama oo markii hore dhib badan lagala kulmi jirey imikana aad wada garanaysan sida ay tahay

4. Balan qaadka xaqiiqada ku salaysan ee ay uga barteen xisbul xaakimka kulmiye

5. Murashaxa Xisbiga Kulmiye oo aqoon badan ay ka dhaxayso isaga iyo Reer Awdal iyo waxqabadka uu hore xukuumadahii uu la soo shaqeeyey uu gobolka si shaqsiyan ah uu u soo gaadhsiiyey ee ay ka marag kaceen culimada wax garadka iyo Aqoonyahanka Gobolka Awdal sida.. ( Sheekh Abdillahi sheekh Cali Jawhar)

6. Iyo Balanqaadkii (Muuse Biixi Cabdi) Ee Baahida Gobolka Taabanaysay Ee Ahaa Jidka Dhaaqaalaha Guud Ahaan Somaliland Gaar Ahaan Gobolka Awdal Oo ah Wadada Isku Xidha Boorama Iyo Saylac Oo isku Xidhi Doonta Ganacsiga Saddex Geesoodka Ah Ee Dawlad Deegaanka Somalida Ethiopia iyo Somaliland iyo Djibouti

7. Deegaanada hore kulmiye u ahaa iyo Deegaanada xiliyo dhexe Xisbiga ku biirey iyo Deegaanada Hada Xisbiga Xisbiga ku soo biirey Ee Gobolka Awdal oo iyagu na si ka duwan sida Gobolada kale ay ula gorgortaman xisbiyada ula gorgortamay xisbigu na yeeley rabitaankooda intaa dabadeedna ay Isla Qaateen inay ka wada shaqeeyaan guusha Kulmiye

8. Hada ba Deegaanada Gobolka Aqoonta Ee Awdal iyo Tiradooda cod bixinta iyo tirada la filayo inu Xisbiga Kulmiye ka Helayo waa sidan soo socota…..(Degmada Boorama waa 64000 oo cod bixiye tirada la filayo inu kulmiye ka heli doona na waa 40000 oo cod Degmada Saylac Waa 14000 oo cod bixiye tirada la filayo inu kulmiye ka heli doona na waa 12000 oo cod Degmada lughaya waa 11500 oo cod bixiye tirada la filayo inu kulmiye ka heli doona na waa 10500 oo cod Degmada Baki Waa 12500 oo cod bixiye tirada la filayo inu kulmiye ka heli doona na waa 8500 oo cod Wadarta Guudna Ay noqonayso oo cod bixiye tirada la filayo inu kulmiye ka heli doona na waa 71000 oo cod Boqolaydana Ku noqonaysa 70%

Posted by on November 4, 2017. Filed under Maqaalo. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *