Wayne Rooney Oo Man City Ka Dhaliyay Goolkiisii 200aad Ee Premier League – Halkee Ayuu Kaga Jiraa Xiddigaha Ugu Goolasha Badan Horyaalka? BY.Khadar-dhambaal

Filed under: Ciyaaraha |

Wayne Rooney ayaa dhaliyay goolkiisii 200aad ee horyaalka Premier League taasoo ka dhigeysa inuu yahay ciyaaryahankii labaad ee abid gaara 200 gool horyaalka Premier League ka dib Alan Shearer.

Holgate iyo Calvert-Lewin ayaa ciyaar fiican ku sameeyay garabka midig, iyadoo Calvert-Lewein uu kubada ugu dhigay Rooney xerada ganaaxa dhexdeeda kaasoo isna kubada dabamariyay goolhaye Emerson oo ku dhawaaday inuu badbaadiyo.

Xiddigii hore ee Manchester United ayaana u dabaaldegay si waali ah, isagoo dhaliyay goolkiisii 200aad ee Premier League.

Rooney ayaa haatan ka danbeeya kaliya weeraryahankii hore ee Newcastle Alan Shearer kaasoo dhaliyay 260 gool oo Premier League ah.

Xiddiga ku soo xiga Rooney waa weeraryankii hore ee Manchester United Andy Cole kaasoo leh 187 gool, Frank Lampard ayaa kaalinta afaraad ku jira isagoo Premier League ka dhaliyay 177 gool, halka Theirry Henry uu horyaalka Ingariiska ka dhaliyay 175 gool.

 

Shanta ciyaaryahan ee ugu goolasha badan taariikhda Premier League kaliya Wayne Rooney ayaa weli garoomada ku jira isagoo xagaagan ku soo laabtay kooxdii uu ka soo baxay ee Everton ka dib 13 sannadood uu joogay Manchester United.

Alan Shearer ayaa Twitter ugu hambeeyay Wayne Rooney isagoo soo qoray: “Cidlo ayaa igu heysay kooxda 200 ee Premier League. Soo dhawoow, hambalyo ayaana ku leeyahay Wayne Rooney.”

Posted by on August 22, 2017. Filed under Ciyaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *