Thibaut Courtois Oo Sheegay In Guushii Ay Chelsea Ka Gaadhay Tottenham Ay Muujinayso In Ay Blues Ku Jirin Musiibadii 2015 Oo Kale. BY.khadar-dhambaal

Filed under: Ciyaaraha |

Goolhayaha kooxda Chelsea ee Thibaut Courtois ayaa sheegay in guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadhay kulankii furitaanka Premier Leaque ee Burnley in ay ahayd digniin toosin u ahayd kooxdiisa Blues wuxuuna ku dooday in guushii ay ka soo gaadheen Tottenham ay muujinayso in ayna xili ciyaareedkan ku jirin musiibadii sanadkii 2015 markaas oo ay ku fashilmeen in ay koobka Premier Leaque difaacdaan. Chelsea ayaa 2015 kii qaab ciyaareed musiibo ah ku jirtay iyada oo kaalinta 10 aad ee Premier Leaque ku dhamaysatay.

Thibaut Courtois ayaa muujiyay sida ay kooxdiisu uga soo kabtay guuldaradii Stamford Bridge ee kulankii Burnley wuxuuna Courtios ku dooday in xili ciyaareedkii hore ee ay ku soo guulaysteen koobka Premier Leaque in ayna horyaalka s

Thibaut Courtois oo ka hadlaya in 2015 kii ayna hadda kooxdiisu la mid ahayn ayaa yidhi: “Xaqiiqadii kadib usbuucii hore ma muujinayso mid la mid ah. Kaliya si xun ayaanu ku bilaabanay, waxaa laga yaabaa in aanu koox ahaan u baahnayn fariin toosin ah. Fiiri waxaanu u baahanayn in aanu bixino boqolkiiba 150% sanadkan ma aha boqolkiiba boqol. Taasi waa wixii aanu ka samaynay kulankii Spurs waxaanan filayaa in aanu si fiican u qabanay”.

Thibaut Courtois oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Waxaad ka arki karaysay dhamaadkii, waxaanu muujinay in aanu guulaysan karno kulamadan adag. Todobaadkii hore waxaa naga maqnaa weerarka, goolashaas si sahlan ayaa la nooga dhaliyay xataa markii aanu 10 ka nin ahayn. Qaybtii danbe waxaanu muujinay dagaal isla markaana waxaan filayaa in aanu Wembley ku muujinay wax ka badan”.

Thibaut Courtois oo qaab bilawga kooxdiisa ka hadlaya ayaa yidhi: “Waxaan xusuustaa laba sano ka hor waxaanu u tagnay City waananu soo guuldaraysanay, bilaabasho adag ayay anaga noo ahayd, hadda guushani waa mid fiican. Usbuuca soo socda waxaanu gurigayaga kula ciyaari doonaa Everton kuwaas oo wax fiican samaynaya. Bilaabashadii ugu sahlanayd ma haysano laakiin guushani waxay u fiican tahay kalsoonida”.

Thibaut Courtois oo ka hadlaya qaabkii ay sanadkii hore ku bilawdeen ayaa yidhi: “Premier Leaque-gu wuu dheer yahay, snaadkii hore si aad u fiican kumaanu bilaaban, waxaanu guulaysanay labadii kulan ee ugu horeeyay kadib waxaanu soo qaadanay September adag. Dad badan ayaa kadib sheegay in aanaan horyaalka ku guulaysan karin isla markaana waanu ku guulaysanay”.

 

Posted by on August 21, 2017. Filed under Ciyaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *