QAADKA OO NOQDAY BALO LOO BAHAN YAHAY!!!! Qalinkii: KHADAR ISMAIL MOHAMED (Dhambaal)

Filed under: Arimaha Bulshada,Maqaalo |

MAQAAL ……..

Image may contain: plant and nature
Image may contain: plant, flower and nature

 

Magaalada HARGAYSA ayaa maanta waxa ay gashay MUUDH iyo jawi ka duwan kii caadiga ahaa ee lagu qayiinay.

Ka dib markii dadka Ku nool magalada gaar ahaan dadka bahwadaaga la ah cunista qaadku Ku waabaristeen qaad la’aan baahsan iyo waliba kolaydii qaadka oo afka cadceedinaya .

Marka aad sii dhexgasho magaalada amaba aad aaddo meelaha dadku Ku badan yahay ayaa waxay indhahaagu qabanayaan ,dumarka oo Ku jira hawl maalmedkoodii iyo raggii oo dhabanka gacmaha saaran oo hor fadhiyaan kolayadii qaadka lagu iibin jiray ,iyaga oo ka war sugaya bal inuu qaad soo dhaco.

Waxay sidaa ahaataba waxa la gaadhay qaybtii danbe amaba (galinkii danbe) ee maalinnimo waxay bilaaben midkasta oo ka mida cunayashi qaadku inuu baadi goobo meel qaad lagu hayo, fadhi jiif waa dhaamaye ,socodna fadhi waa dhaamaye ,waxay iyaga oo nafi hayso iibsanayeen qaadkii shalay iyo hadhaagii xalay,jawiguna waxa uu wali Ku jiraa sidii uu Ku waabariistay ..

Dhanka kale qaadka oo aynu wada oganahay dhibaatadiisa ayaa waxa uu noqoday shidaal lagu shaqeeyo oo la’aantii waxba laqaban Karin .

Si kastaba ahaatee ma aha markii ugu horaysay ee caasimada hargaysi la kulanto amaba ay gasho jawi noocan oo kala ah ,islmarkaana uu go’o qaadkii ka iman jiray dhankaa iyo dalka ITOOBIYA

Posted by on September 14, 2017. Filed under Arimaha Bulshada, Maqaalo. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *