Maqaal: Safarkaan Muqdisho kaga soo qaxay (Abriil-Maajo, 1991) Cabdisalam Cali (Biligsey)

Filed under: Maqaalo |

maqaalWaxaan halkan idinku soo gudbinayaa sheeko iyo xusuus beri hore i soo martay, aanse doonayo inaan dadweynaha la qaybsado. Nin baa, isagoo ka hadlaya dagaalkii-sokeeye ee Soomaalida, wuxuu yiri, ‘Qof kasta oo Soomaali ah haddii uu qoro wixii soo maray ama qabsaday, taariikhda qaranku wey qoran tahay.’ Sidaasi darteed, waxaan doonaya inaan dadka ku dhiirrigeliyo inay qoraan oo wax ka qoraan wixii ku dhacay. Dadkaas aan ka hadlayo meel kasta ayey joogi karaan, waayo sidaan la wada soconno dagaalka-sokeeye Xamar kama bilaaban, Xamarna kuma dhammaan. Burburkii iyo firxadkii Soomaali ku dhacay ruux uuna saameyn ma jiro — hadduu Ras Kiyambooni joogo iyo hadduu Lawyacaddo joogo. Qormadan, sidaas awgeed, u lama jeedo inaan danqiyo xanuun laga biskooday ama laga biskoonayo; wax keli ah ee aan doonayo inaan soo bandhigo waa aragtideyda gaarka ah iyo berigaas wixii dhacay iyo si ay jiilalka soo socdaa cashar uga bartaan.

Hordhac

Jannaayo 26, 1991, waxaa soo gabagaboobay xukunkii qallafsanaa iyo qabyaaladdii militeriyeysneyd ee Janan Maxamed Siyaad Barre. Inta badan, ummadda Soomaaliyeed waxay fileysey in laga raysan doono. Hayeeshee, wax lama filaan ah ayaa dhacay! Jabhadihiii (qabaa’ilkii) riday Siyaad Barre halkii ay dawlad ka dhisi lahaayeen, Soomaalida isu soo celin lahaayeen, waxaa lagu dhaqaaqay, gaar ahaan, jabhadda USC oo qabaai’ilka Reer Muqdisho laf-dhabar u ahaayeen foolxumo iyo filanwaa. Dalku wuxuu galay dagaal-sokeeye; waxay go’aansadeen inay is-raaciyaan Maxamed Siyaad iyo wax lagu sheegay “Reerka uu ka soo jeedo” oo ay ka dhigaan arrinta qori iyo qiiqiisaba waa la is-raaciyaa. Dagaalkaasi, sida laga warqabo, wejiyo badan buu lahaa ama yeeshay. Ilaa manta oo la joogo 2017 waa uu socdaa, qaabkuba ha kala duwanaadee.

Posted by on September 16, 2017. Filed under Maqaalo. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *