Macalinka Chelsea Antonio Conte Oo Waqtigiisa Fasaxa Doortay Inuu Barto Oraahyada Luqada Ingariiska Ee Loo Isticmaalo Kubada Cagta BY.Khadar-Dhambaal

Filed under: Ciyaaraha |

04,09,2017,Isniin(S.P.COM) Tababare Antonio Conte ayaa u isticmaalay waqtigiisa fasaxa ee lagu maqan yahay kulamada heerka caalami inuu horumariyo isticmaalkiisa luqada Ingariiska ee kubada cagta isagoo ku raaxeysanaya mid ka mid ah xeebaha dalkiisa Talyaaniga.

Macalinka Blues ayaa lagu sawiray isagoo dhinac jiifa xaaskiisa Eilsabetta islamarkaana akhrisanaya buug Ingariisi ah oo soo koobaya ereyada ingariiska ah ee loo isticmaalo kubada cagta.

Iyadoo aan isbuucaan la ciyaareynin Premier League, tababaraha Talyaaniga ayaa ka tagay Stamford Bridge islamarkaana fasax ku qaadanaya mid ka mid ah xeebaha dalkiisa.

Inkastoo uu ku guuleystay horyaalka xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay, 48 jirkaan ayaa sida cad aaminsan in isticmaalka luqadiisa Ingariiska ay u baahan tahay horumarin.

Conte ayaa lagu sawiray isagoo akhrinaya buuga la yiraahdo Football English: Soccer Vocabulary for Learners of English oo uu qoray Tom Challenger.

Buugaan waxaa loogu talogalay ciyaartoyda kubada cagta, garsoorayaasha, tababarayaasha iyo maamulayaasha kubada cagta kuwaasoo doonaya inay horumariyaan adeegsiga ereyada isboortiga ee luqada ingariiska.

Waxa uu buuga ka hadlayaa boosaska kala duwan ee ciyaartoy uu ka dheelo, qeexida kulan, weerar, difaacasho, gooldhalin, darbeyn, waqtiga, kubad madaxeyn iyo goolhaye.

Posted by on September 4, 2017. Filed under Ciyaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *