Komishanka Doorashooyinku Waxa Ay ku Xad-Gudbeen Xeerarka Dalka Iyo Xeerka Saxaafada Somaaliland Waxaanay U Muqdaan in ay ku fashilmeen Qabashada Doorasho Xor Ah Oo Dalka ka Qabsoonta:

Filed under: Maqaalo |

jhHargaysa(SP)Warbaahinta onlin-ka Ahi Waa Warbaahinta Ugu Saamaynta Badan Guud Ahaan Dunida Caalamka Ee Somaaliland-na Ka Midka Tahay Waxa Ay wararka Dalka Iyo Dibadaba La Socodsiiyaan Guud Ahaan Bulshada Dalkeena Hadii Ay Magaalo Tahay’

Hadii Ay Miyi Tahay Iyo Gabi ahaan Dadkeena Daafaha Dunida ku Kala Nool Ee Boholyowga Iyo Dal-dabyada U Qaba inay La Socdaan Ama Ay Helaan Waxyaabaha Dalkooda Hooyo Ka Dhacaaya”

Warbaahinta ONLINKA Ahi Wax Ay Qof Walba Halka Uu Joogo Ku Gaadhsiiyaan Xogta Rasmiga Ah Ee Dalkeenu Ku Sugan yahay Hadii Ay Horumar Bulsheed Tahay Iyo Hadii Ay Mid Dawliya Tahayba”

Komishanka Doorashooyinka Ee Dalkani Jamhuuriyada Somaaliland Ee Laga Sugaayo In Ay Dalkan Ka Qabtaan Doorashooyin Xor iyo Xalaal ah Waxa Ay Sheegeen in Ay Gabi Ahaanba Ka Maar-meen Adeegsiga Waxbaahintaasi Ay Bulshadu Ku Xidhantahay Ee ONLINKA ah”

Waxaanay Warbaahintii U Kala Qaybiyeen Si Sharciga Somaaliland iyo Ka Saxaafadaba Baalmarsan Gaf iyo Cadaalad Darrana ku Ah Xeerka Saxaafada Somaaliland”

Xeerka Ay Ku Sheegeen Anshaxa Doorashooyinka Ee Ay Baahiyeen in Ay Saxeexi Doonaan ururka Suxufitiinta Solja. Ururka Suxufiyiinta Ee Gabdhaha Ee Wooja iyo Wasarada Warfaafintu Ee Sadaxda Xisbi Qaran Loo Sheegay In Lagu Dhaqmidoono Wax ka Khuseeya Warbaahinta ONLINKA ahi Majiro”

Heshiis Iyo Wadahadal Codsiya oo Komishanka iyo Warbaahinta ONLINka ah Dhex Maray Oo Komishanku Ku Codsaday in La La Shaqeeyaana Ma Jiro”
Komishanka Kala Xigsaday Warbaahintii Madaxa Banaanayd Ee Uu Qarankani Lahaa Ayaa Xisbiyad Qarankuna U Soo Fara xalanayaan in Ay Cadaalad Ka Helaan oo Ay Doorasho Xor Ah Qabtaan”

Somaalidu Waxay Ku Maah maahdaa Ninka Aad Kabahaaga Ka Tolanayso Kabihiisa Ayaa La Eegaa”

Ficilka Ay Hada Samaynayaan Komishanku Maaha Mid ka Turjumaaya Cadaalada Ay Shacabku Uga Fadhiyo Komishka Doorashooyinka ”
…La Soco Taxane

By Yusuf Dool

Posted by on October 3, 2017. Filed under Maqaalo. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *