Cirro Fartuu Dhexda Ka Qaniinayaa Dhawan ,Sababtoo ah Wuxuu Aaminay Siyaasi. !! Qalinkii Abdisataar Abdilahi Ali “SABRI “

Filed under: Maqaalo |

Hargaysa(SP) :-Caynaba , Waridaad , Wadaamagoo , Gara’adag , Ceelafwayn , , Balli dhiig , qorulugud , Dhoqoshay , Qoryaale , warcibraan , Gabagabe, Faqaayuub , laasciidle, raarubuul , Nasiye, Xagal, iyo tuuloouinka degmooyinkaas oos yimaada iyo guud deegaanada Bariga Burco , Galbeedka Ceerigaabo , Bariga Berbera , sida la ogyahay waxaa siwayn looga taageera Xisbiga Talada dalka haya ee kulmiye markale waxaa kasoo jeeda Aasaasihii Xisbiga Kulmiye ee Axmed Maxamed Siilaanyo , oo taariikhdiisa siyaasadeedna siwayn looga Xurmeeyo deegaankaas ay ku dhaqanyihiin reer tolkii iyo guud ahaanba Somaliland,

haddaba Madaxda Xisbiga Waddani ee ka hawlgala kana soo jeeda deegaanadaas waxaa ay Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye u sheegaan , in ay sadexda Xisbiba usoo wada Baxaan Inta ololahu socdo , islamarkaana xisbiyada laga helo duulduul dhaqaale , sidoo kalene Xisbiga Waddani ee ay kasocdaan aan lagu nicin , oo aanay karabin Cod balse keliya ay rabaan in laga qurxiyo kamaradda laduubayo , sikastoo aad udhuuxdo rayiga dadwaynaha deegaanadaas waxaa kuusoo baxaya in shacabkaasi Ay Codkooda Siinayaan Xisbiga Kulmiye oo Mabda’iyan aaminsanyihiin , balse loogu sheekeeyay in Muuse Biixi Bakhayl yahay taas bedelkeedana ay ka qayilaan , guryahana ka kiraystaan , Xisbiga Waddani ,

Xafiisyo aan badnayn oo hoosta ka kulmiye-yaysan Dushana ka wadaniyaysan ah ayaa uga furan , Xisbiga waddani , deegaanada Kulmiye kuxooga badanyahay , kuwaas oo aan qaarkood booqday xilliyo kala duwan,

Marka laga yimaado cadhada la fogaatay shikhsiyaadkaas ushaqo tegey Xisbiga waddani xatta laftigooda ayaa aaminsan Xisbiga Kulmiye , Sababtu wax kale ma aha , ujeedadaada keliya ee ay Waddani ula safteen ayaa ah ismuujin , iyo hebelo iska celin ,

Xisbiga waddani kulmiye wuxuu ku eedeeyaa Qabyaalad , hadda isagu ma ogola qof ay cirro isku beelyihiin , in uu Kulmiye raaco , waxaana cadayn kuugu filan , arkimaysid Qof codeeye ah oo cirro la deegaan ah oo cidkale usacab tumaya ama taageersan ,

Way ogyihiin inreer kulmiye , kulmiye yihiin , Reer Waddanina Waddani yihiin Shuruud la’aan , qofkastaana uu deegaan kasoo jeedo , deegaankiisuna uu talo iyo tilmaanba leeyahay ,

Markaa waxaa muuqata in doorashadu ay tahay reero iskala dooranaya, qof talada tolka ka maarmaana majiro marka laga tago siyaasiga, siyaasiga laftiisa ayaa ku qasban in uu orodka dhimo marka uu reer tolkii waayo , ama farta lagu godo , guushuna waxay ku xidhantahay , deegaankasta iyo codka uu haysto ,

Beelaha Bariga Burco iyo Galbeedka Burco waxkasta way wadaagaan waaanay isku raacdaa , balse waxaa adag xilligan in siyaasadi midayso , sababtoo ah hore ayay umidayn wayday , waana ta keentay In cirro maanta quusto , kana rago go’o taageeradii uu ka filaayay bqriga burco , marka laga tago shikhsiyaad aan isaga dhisayn laakiinse qorshahoodu ahaa markii hore in ay kulmiye shaki geliyaan , balse taasina haddeer way iska soo shiiqaysaa

Marka buuqa ololuhu soo afjarmo Deegaanadaas Codka deegaanadaas waxaa lahubaa inuu meelaysanyahay weliba laweelayn doono , marka tirada guud kaga jaro Kaadhadh farahooda ka baxay Codbixiyeyaasha , kuwaas oo farshaxanimo lagaga urursaday , si codka kulmiye eedeegaqnkaasi uu uga baaqdo sanaaduuqda codku ku ururayo maaninta doorashada ,

shaqo badan oo dhaqan ahaan loo suurta gelinlahaa madaxda dhaqanka xeerbeegtida xisbiga waddani way ka gaabiyeen , waxaa ka baajiyay khiyaalka siyaasiyiinta xisbigaas ka midka ah ee kasoo jeeda Deegaanada aan kor kusoo xusay balse maanta waxaa ay ogaadeen runtii , Waddaniga dhabta ahi wuxuu saadaalinkaraa natiijada guusha Xisbiyada xilliguna waa xilli doorasho , waxaanuu cirro qoomamaynayaa Waddadii qallalayd ee uu umaray Doonista iyo keenista Codka Deeganada Bariga Burco iyo guud ahaan Deegaanada aan korkusoo xusay .

Balse runtu waxay tahay in musharax cirro uu isku geystay xisaab qaldan ,

Posted by on November 4, 2017. Filed under Maqaalo. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *